Golaha wakiillada Somaliland oo codka kalsoonida ah siiyey wasiiradda cusub

Shirguddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la horgeeyey maanta qeybtii 1-aad ee Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,waxaana tiradooda lagu dhameyd 19 Wasiir.

Dhammaan 19-ka Wasiir ee maanta hor tagay Golaha Wakiilladda ayaa Golaha kaga xog waramay qorshayaasha u dejisan iyo arimaha ay siinayaan mudnaanta ee la xidhiidha Wasaaradaha uu Madaxweynuhu u igmadey .

Hadalada ay Golaha ka hor jeediyeen ayaa waxay ahaayeen kuwo salka ku haya wax qabadyada looga fadhiyo Xukuumadda, kuwaasi oo la xidhiidha Qorshaha Horumarinta iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Wadani ee madaxweyne Cirro.

Wasiirada hor tagay fadhigga Wakiillada ayaa waxaa ay Golaha ka codsadeen in loo ansixiyo xilalka Wasiirnimo si ay u gutaan hawlahooda.

Intaas ka dib, Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu xubnaha ka codsadey in mid mid cod gacan taag ah lagu ansixiyo Wasiirada, taas oo uu Golahu cod aqlabadiyad ah ku ansixiyeen dhammaan 19-ka Wasiir ee maanta hor yimid .

Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cirro ayaa shirgudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada kaga mahad celiyey sida kalsoonida leh ee ay Golaha Wakiiladu u ansixiyeen Wasiiradii maanta hor tagay.

Waxaa kulamada xiga la filayaa in la hor geeyo xubnaha kale ee ka dhiman goaha Wakiillada Somaliland, kuwaa oo ka kooban 28 wasiir, 3 Wasiiru dowle iyo 17 Wasiir ku xigeen oo ah wadarta dhamaan wasiiradda xukuumadda Cirro ee la shaaciyey 14-kii December ee sanadkii hore 2024.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed