Golaha Wakiilada cusub ee Puntland oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay oo rasmi ah kaasoo lagu soo bandhigay Ajandayaal

Baarlamaanka cusub ee maamulka Puntland oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay oo rasmi ah kaasoo lagu soo bandhigay ajandayaal, waxana ka soo qeyb galay dhammaan xubnaha Golaha Wakiilada ee dhawaan la doortay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa akhrinta iyo ansixinta xeer-hoosaadka Golaha wakiilladda iyo dhismaha Guddiga joogtada ah Golaha Wakaiillada si waafaqsan qodobka 63-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Ugu horeyn, waxaa Goluhu si aqlabiyad ah isula qaatay in lagu sii shaqeeyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee horey u jiray inta laga dib u-eegis rasmi ah lagu sameynayo Xeer-hoosaadka.

Ansixinta ka dibna waxaa Goluhu ku sameeyey dulmar guud.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Wkaiillada ayaa la wadaagay Xubnaha Golaha dhismaha Guddiga Joogtada ah oo ka kooban 10 madax Guddi, iyadoo Gobol kasta uu ka codsaday inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya Guddiga joogtada ah, hadii ay isku soo raaci waayaana Goluhu uu kala dooran doono xubnahaas.

Ugu, Dambeyn Goluhu wuxuu isla qaatay inay dib isagu soo laabtaan Sabtida soo socota taariikhduna tahay 20-ka bisha Janaayo si loo dhammaystiro Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo laf-dhabar u ah hawl-socodsiinta Golaha Wakiillada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed