Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Qaadayo Tallaabo Muddo Kordhin ah.

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan Xaruntooda ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Aqalka Sare ayaawargeliyay in u jiri doono Maanta Kulanka Aqalka Sare ah, waxaana Ajandayaasha Kulanka maanta ayaa ah Sidaan.

1-Ka doodida Xeerka Gaarka ah ee Habraaca Nidaamka Dib u eegista iyo Wax-ka beddelka Dastuurka KMG, kaas oo muddo kordhin loogu sameeynayo Muddo Xilleedka Maxdaweyna iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

2-Sidoo kale waxaa jiro Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga.

3-Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Durba arrintaan ayaa dhalisay dood xooggan oo dhanka warbaahinta ah, waxana jiraan siyaasiin culus iyo Xillibaanno ka soo horjeestay kuwaas oo Baraha Internet-ka ku daabacay qoraal lid ku ah sharcigaan lagu wado in la dhaqan galiyo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Xillibaannada Aqalka hoose ayaa ka biyo-diiday  xeerkaan muddo kordhinta loogu sameeynaayo Xil-heynta Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed