Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu cunaqabateyn ku soo rogay saddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaddib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya.
Go’aanka ayaa lagu dhawaaqay , waxaana lala beegsaday saddex qof oo loo aqoonsaday inay yihiin shakhsiyaadka muhiimka ah ee ururka:
1. Cabduqaadir Ikrima oo ah muwaadin Soomaaliyeed, waxa uu sidoo kale heystaa baasaboorka Kenya.
2. Maxamed Maxamuud Mire.
3. Maxamed Cumar Maxamed.
Cunaqabataynta waxaa ka mid ah xannibaadda hantida iyo xayiraadaha safarka, iyada oo ujeedadu tahay in la carqaladeeyo dhaqdhaqaaqa shakhsiyaadkan iyo hay’adaha ay matalaan. Talaabadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo qeyb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya oo ah dal sanado badan la daalaa dhacayay falal amniga lid ku ah, iyada oo Al shabaab ay diidan yihiin jiirtaanka dowlad Soomaaliyeed, kuwaas oo doonaya in ay dalka qabsadaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa si dhow ula shaqeysa saaxiibada caalamka oo ay ku jirto Qaramada Midoobay, si loola dagaalamo Al-Shabaab oo caan ku ah weerarada iyo gacan ku heynta qeybo ka mid ah gobolada dalka.
Cunaqabateyntan ayaa ah tillaabo hore loogu qaaday dagaalkan socda, taasoo muujineysa sida beesha caalamka ay uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto dadaallada lagu ciribtirayo Shabaab
Dowladda UK oo adeegsaneysa howlgalkeeda Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay taageerada ay u heyso dadaalladaas, iyadoo ku nuux-nuuxsatay muhiimadda ay leedahay in lala tacaalo argagixisada si loo helo mustaqbal ammaan ah oo sugan dhammaan Soomaalida.
Tallaabadan ayaa dad badan ay soo dhaweeyeen, iyagoo u arkay inay tahay tallaabo lagama maarmaan u ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Ilaa hadda waxaa la arki sugayaa saameynta ay cunaqabateyntan ku yeelan karto howlgallada Al-Shabaab iyo jawaabta kooxda. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadani waxay diraysaa fariin adag oo ah in beesha caalamku ay u midaysan tahay ka hortagga argagixisada ayna diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabooyin adag oo lagula dagaalamayo.
HBN NEWS DESK