Garaad Jaamac Garad Cali Oo Eed Kulul U Jeediyay Dowladda Soomaaliya Kadib….

Hoggaanka Isimmada SSC-khaatumo  ayaa ka dhawaajiyay in dolwadda dhexe ee Soomaaliya aysan caddeyn aragtideeda dagaalka dheeraday ee gobolka Sool ku dhexmaraya Ciimada Somaliland iyo kuwa deegaanka, dagaalkaas ayaa khasaaro nafeed iyo mid maal taniyo markii uu bilaawday.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Isimada SSC- Khaatuma ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeyay in aysan ka hadlin wili go’aankeeda siyaasadeed ee dagaalka Laascaanood, waxaa uu intaas raaciyay  in aysan diyaar u ahayn inay caddayso mowqifkeeda ku aadan dhibaatada  ciidanka Somaliland ay ku hayaan shacabk reer SSC.

Garaad Jaamac warreysi uu bixiyay ayaa si kulul arrimaha ku geedaaman dagalka Laascaanood, waxaa uu weerar afka ah ku qaaday Xukuumadda Soomaaliya, oo ku tilmaamay mid anan caddeyn khalad iyo hurinta colaadda gobolka, waxaa uu usoo jeediyay in dowladdu ay masuul ka tahay, loona baahan yahay mowqif cad, iyo in ay taageeraan shacabka lagu soo qaaday weeraro aanan loo meel dayin.

Dhawaan Isimmada SSC ayaa yimid magaalada Muqdisho, kuwaas oo kulama kala duwan la yeeshay madaxda kala duwan ee dowladda Soomaaliya, kadibna dib ayey ugu laabteen Laascaanood, iyaga oo aanan sheegin wixii ay kala kulmeen madaxda dowladda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed