Ganacsatada xoolaha nool ee magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida ayaa soo wajahday xaalad adag, kadib markii maalmihii u dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in ciidamadu ay dhac u geysanayaan xoolahooda. Dawlad deegaanka Soomaalida ayaa la daalaa dhacaysa xiisad ka dhalatay xoolaha lagu kala iibsanayo magaalada Jigjiga, kuwaas oo laga kala keeno tuulooyinka iyo magaalooyinka ku xeeran.
Booliska Federaalka Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin falkii xoolaha lagu haystay, taasoo qalqal weyn ku keentay ganacsatada deegaanka ee ka ganacsan jirtay ariga, dibida iyo xoolaha kale. Sababta ay falkaan u sameeyeen ayaa lagu sheegay in ay sharci darro ku tilmaameen xoolihii la beegsaday, taasoo keentay in ganacsatada ay iska hor imaad dhex maraan.
Dagaaladan ayaa mid ka mid ah waxa uu ka dhacay beer xoolaha lagu xanaaneeyo oo ku taala magaalada Jigjiga laba maalmood uun ka hor, waxaana la sheegay in ciidamada federaalku ay xoolo badan ka qaateen. Ganacsatada ayaa markii ay diideen in lala wareego ayaa waxaa xaaladu cirka isku shareertay, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, kadib markii ciidanka ay rasaas fureen.
Dowladda deegaanka Soomaalida oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa garwaaqsatay caqabadaha ka jira ganacsiga xoolaha, waxayna ballan-qaadday inay wax ka qaban doonto. Si kastaba ha ahaatee, maamulku wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ganacsatadu inay xaqiijiyaan sharci ahaanshaha dhaqdhaqaaqooda ganacsi si ay uga fogaadaan wax ay dowladdu ku tilmaantay “Kootarabaan”.
Dhinaca kale ganacsatada deegaanka ayaa ku adkeysanaya in ay xalaal tahay in xoolahooda loo keeno magaalada Jigjiga, iyagoo ka codsaday dowladda inay soo farageliso oo xal rasmi ah laga gaaro khilaafka taagan. Iyaga oo ku sifeeyay falalka ay ku kacayaan Ciidamada Dowladda Federaalka “Weerar ula kac ah”, xubnaha bulshada ayaa muujinaya sida ay uga xun yihiin weerarada lagu hayo noloshooda.
HBN NEWS DESK