Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan oo dowladda Soomaaliya u soo magacawday musharrax Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika markii ugu horreysay

Dowladda Soomaaliya waxay u dooratay ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore iyo wasiirkii arrimaha dibadda Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan in loo magacaabo shakhsiga u tartamaya  guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika sanadka 2025-2028, Fawsiyo oo ah siyaasiyad ruug-caddaa ah oo muddo toban sano ah baarlamaanka ka tirsaneed, ayaa doonaysa in ay noqoto qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo xilkan qabta tan iyo markii ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay Midowga Afrika sannadkii 2002-dii.

Ku dhawaaqista ayaa hoosta ka xariiqaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta doorka ay ku leedahay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka labadaba. Dowladda ayaa u aragta musharaxnimada Fowzia tallaabo muhiim ah oo lagu kordhinayo saameynta iyo matalaadda Soomaaliya ee masraxa caalamiga ah.

Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan ayaa horay u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya intii u dhaxeysay November 2012 ilaa Janaayo 2014, iyo  khibraddeeda tobanka sano ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa loo arka qofka ku habboon booskaan.

Waxaa xusid mudan in Fowzia ay taariikhda gashay sanadkii 2022-kii, kadib markii ay noqotay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo ka qeybgasha tartanka madaxtinimada Soomaaliya.

Tan iyo 2002, Soomaaliya ma aysan qaban xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika. Hogaamiyaashii hore ee doorkan waxaa ka mid ah shakhsiyaad caan ah oo kas soo jeeda dalalkaan: Ivory Coast, Mali, Gabon, Koonfur Afrika, iyo  (Chad).

Iyadoo Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan ay u sharaxan tahay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Soomaaliya waxay filaysaa guul weyn oo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, isla markaana dooneysa in ay hesho door hoggaamineed 2025-2028 oo Midowga Afrika ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed