Xildhibaan Fowsiyo oo ku dhawaaqday inay tahay Musharax u taagan xilka Midowga Afrika markiii ugu horresay si rasmi ah

Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan oo ka mid ah Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay oo rasmi ah ugu dhawaaqday in ay u taagan tahay xillka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, oo doorashadiisa la qaban doono 25-ka Febraayo ee sanadka soo soocda, isla markaana ay ku mataleyso Soomaaliya.

Xildhibaan Fowsiyo ayaa sheegtay muhiimadda ay Soomaaliya u leeyahay xilkaan isla markaana ay dooneyso in ay ku guuleysato, waxaa ay hoosta ka xariiqday in rajo fiican ay ka qabto in guul ka keento tartankaan Soomaaliya ay ku dooneyso hooggaaminta Ururka Midowga Afrika.

Waxay intaas ku dartay: “Soomaaliya waxay isku dayday inay jagadan hesho 1970-meeyadii, laakiin kuma aysan guuleysan, weligeedna ma qaban, balse markaan waxaa guddoonka leh bariga, waxaana ka sharaxan annaga iyo Kenya.”

Xildhibaan Foosiya ayaa hadalkeeda ku soo gebegabeysay in Soomaaliya fursad aad u sarreysa ay u leedahay hanashada xilkan haddii lagu bixiyo dadaal ku filan.

Horraantii isbuucaan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in taageero buuxda siinayaan xildhibaan Fowsiyo si ay ugu guuleysato loollankaan, kuwaas isla qaatay in qeyb kamid ah mushaaraadkooda ay u jiraan xildhibaan bishaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed