Fiqi oo sheegay in dowladda ay xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al shabaab Kalsoonida ay ku qabaan Hay’adaha ammaanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay sidii loo soo afjari lahaa falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka, isla markaana dalka looga ciribtiri lahaa kooxda Al shabaab.

Fiqi ayaa ku bogaadiyay ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay kordhiyeen  howlgallada ay kaga hortagayaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay magaalooyin kala duwan oo ay ka mid tahay caasimadda.

Waxa uu u soo jeediyay Saraakiisha, Ciidamada iyo Bulshada dalka in ay si dhow u wada shaqeeyaan, lana xoojiyo howlgallada lagu sugayo ammaanka guud ee dalka.

Waxa uu u mahad celiyay ciidamada sida weyn ay isaga xil saareen amaanka magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale, waxa uuna tilmaamay in dhawaan la soo afjari doono falalka yar yar ee ka dhacaya isagoo Kalsooni u muujiyay ciidamada amaanka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay xasilinta dalka.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kormeeray qaar ka mid ah Degmooyinka iyo Koontaroolada gaadiidka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda federaalka oo kaashanaya maleeshiyaad deegaanka ah iyo saaxiibo caalami ah ayaa tan iyo sanadkii 2022 ku guda jiray weeraro culus oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, xilligaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed