Faysal Cali Waraabe oo Uga Digay Muuse Biixi in uu Bilaabo Wada-hadalada Soomaaliya

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka horyimid wada-hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland ee lagu wadi in ay dib u biwaadaan, iyada arrintaas ay suuqa si weyn ugu jirto taniyo markii Ereyga gaarka ah loo magacaabay arrinta Soomaaliland.

Faysal Cali Waraabe bartiisa Twitter-ka qoraal uu soo dhigay ayuu ku sheegay in uu ogaaday in kulan toos ah  ay yeelan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Kan Soomaaliland Muuse Bixi, Waxaa uuka digay in iyada oo aysan doorashooyinka Soomaaliland aysan dhicin oo aanan la helin Madaxweyne sharci ah in wax wada hadal aysan yeelan karin labada maasuul.

” Waxaan ogaaday in Muuse Biix  uu Xasan Sheekh  uu kulan la  yeelanayao Waji ka  waji ah’ Hadidi ay dib u bilabanayaan wada hadalada Soomaaliland iyo Somalia waxa ay dib u bilaabmi karaan doorasho xor iyo xalaal ah ka dib, waana in uu hogaamiyo Madaxweyne si sharci ah loo soo doortay oo ku naaloonaya sharci” ayuu yiir Faysal Cali Waraabe.

Hadalkaan ayaa imanaya iyada oo doorashooyinka Soomaaliland ee Madaxtinimada ay muddo dib u dhaceen, taas oo ku soo beegantay iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu Cabdikariin Xuseen guuleed u magacaabay Ereyga gaarka ah ee Soomaaliland.

MR Waraabe ayaa kamid ah Mucaaradka sida weyn uga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliland.

HBN News Desk 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed