Diyaaradaha dagaalka Faransiiska ee ku sugnaa dalka Chad ayaa galabta ka ambabaxay saldhigyada milateri ee Faransiisku ku lahaa caasimada dalkaasi ee N’Djamena , tani oo ka dambeysay go’aanka dawlada dalkaasi ee uu hogaaminayo Maxamed Idiris Darby ay ku joojisay iskaashiga milateri ee ay la leedahay Paris.
Ilo wareed Faransiis ah ayaa sheegay in laba diyaaradood oo nooca Mirage 200D ah ay ka kaceen Chad galabnimadii Talaadadii iyadoo ay la socdeen diyaarado xamuul ah.
Ilo kale ayaa sheegay in joogitaanka diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska ee gudaha Chad aysan mar dambe macno samayneyn ka dib markii uu dhammaaday iskaashiga milateri ee u dhexeeyay labada dal.
“Faransiisku wuxuu joojinayaa howlgalka diyaaradaha dagaalka ee saldhigga hawada ee Kosi ee N’Djamena. Ciidamada Faransiiska ayaa go’aansaday inay kala baxaan diyaaradaha dagaalka.”
Chad ayaa bishii November 28 ku dhawaaqday inay joojisay heshiiskii difaaca ee 1960 ay la lahayd Paris.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Chad Abderrahmane Kalam Allah ayaa sheegay in “dowladda Jamhuuriyadda Chad ay u sheegeyso bulshada gudaha iyo tan caalamka go’aankeeda ah inay buriso heshiiska iskaashiga difaaca ee lala galay Jamhuuriyadda Faransiiska.”
Sida uu qabo go’aankan, Faransiisku waa inuu la baxaa ciidamo ku dhow kun askari oo ku sugan Chad.
Tilaabadan ayaa u muuqata dib u dhac ku yimid Faransiiska, kaas oo hore loogu qasbay inuu ciidamadiisa kala baxo Niger, Mali, iyo Burkina Faso ka dib markii afgambi milateri uu halkaas ka dhacay iyadoo xukuumadaha dalalkaasi ay isbahaysi la noqdeen Ruushka sannadihii la soo dhaafay.
Madaxweynaha Senegal Diomay Faye ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in joogitaanka saldhigyada milateri ee Faransiiska dalkiisa ay ka soo horjeedo madaxbannaanida qaranka.
Horay, jariidadda Faransiiska ee Le Figaro ayaa sheegtay in go’aannadani ay ka tarjumayaan dhammaadka xiriirka ka dhaxeeyay Paris iyo saaxiibbadeedii hore ee Afrika.
Sida laga soo xigtay wargeyska, Faransiiska ayaa waxaa uga haray Afrika oo keliya “ciidamo yar oo ku sugan Gabon iyo Ivory Coast, halka Geeska Afrika uu ka joogo DJibuuti oo ay kula sugan yihiin ciidamo ka socda Maraykanka, Shiinaha iyo Japan.
Bixitaanka ciidammada Faransiiska ee Afrika ayaa dhab ahaantii astaan u ah luminta saameyntii uu ku lahaa dalalkii uu horey u guumaysan jiray.
HBN Online TV