Kooxda Ansaarullah ee Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa si kulul u cambaareyay booqashada Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay Israa’iil, iyaga oo ku tilmaantay tallaabo aan la aqbali karin.
Bayaanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dawlada Xuutiyiinta ee caalamku aqoonsanayn ayaa lagu sheegay in waa sida bayaanka lagu yiri isu soo dhowaanshaha Hargeysa iyo Talaabiib uu sii kala fogeyn doono Somaliland iyo deegaanka Carabta iyo Ummadda Islaamka, isla markaana aanu u horseedi doonin wax hadaf ama ujeeddo ay ku guuleysato sida hadalka loo dhigay.
Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ayaa ugu baaqday dalalka Carabta inay ka gudbaan heerka cambaareynta oo keliya, ayna qaataan mowqifyo wax ku ool ah oo lagu joojinayo tallaabooyinka ay sheegtay inay ka soo baxayaan Hargeysa.
Dhanka kale, Ansaarullah waxay ku dooday in Israa’iil aysan ku guuleysan doonin qorshayaheeda ay ku beegsaneyso Soomaaliya iyo Geeska Afrika, iyadoo sheegtay in Xuutiyiinta Yemen ay ka hortagi doonaan isku day kasta oo noocaas ah.
Ugu dambeyn, Xuutiyiinta Yemen waxay ku dhawaaqeen inay si buuxda ula garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si looga hortago waxa ay ku tilmaameen mashruuca Sahyuuniyadda ee lagu bartilmaameedsanayo Soomaaliya, Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.
HBN ONLINE TV

