Faahfaahino ka soo baxaya Doon Kalluumaysi oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dooni nuuca Kalluumaysiga ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa la soo wariyey in lagu afduubtay xeebaha Bari ee Soomaaliya, ka dib markii ay u gacan gashay sida hadalka loo dhigay kooxo burcad badeed hubeysan.

Bayaan ka soo baxay Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee ATALANTA ayaa lagu sheegay in xeebaha Soomaaliya ay ka heleen digniin ka timid ciidamada Badda Puntland oo sheegaysa in Dooni Kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo marayey xeebaha Waqooyi Bari ee Soomaalia la afduubtay.

Doonidan kalluumeysi ayaa la tilmaamay in gudaha badda Soomaaliya ay ku sugney, iyada oo Baaritaanka ATALANTA ka dib uu carrabaabay in hadda uu gacanta ugu jiro burcad-badeed ku hubeysan qoryaha AK-47 iyo kuwa culus.

Sida oo kale, ATLAANTA ayaa sheegay in shaqaalaha doonta saaran ay dhan yihiin ilaa 18 qof, halka dhacdaan ay kala hadli doonaan maamulada Soomaaliya ka jira iyo dowladda Shiinaha.

“Hawlgalka ATALANTA waxa uu si adag ugu talinayaa ganacsatada iyo maraakiibta kale ee nugul in ay is diwaan geliyaan, si ay u helaan la socodka iyo jawaabta ugu waxtarka badan ee ciidamada ATALANTA iyo la-hawlgalayaashooda si looga hortago khataraha amniga badda” ayaa lagu yiri bayaanka.

Afduubka Doontan uu soo wariyey howlgalka midowga Yurub ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay sheegtay in hoos loo dhigay awooddii kooxaha burcadda ah ee dalka ka jiray.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed