Soomaaliya oo sheegtay in Urdun kala kaashan doonto dagaalka lagula jiro kooxaha dowladda ka soo horjeeda iyo argagixisada
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay xoojinayso iskaashiga dhinaca amniga iyo difaaca ee kala dhexeeya dalalka Carabta ayaa waxaa wafdi sare oo ka scda uu wadahadal la yeeshay masuuliyinta ee dhanka ciidamada ee Boqortooyada Urdun.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, labada dal ayaa iska kaashan doona la dagaallanka kooxaha dowladda ka soo horjeeda iyo Argagixisada, iyada oo ay intaasi dheertahay tayeynta ciidamada.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Boqortooyada Urdun, Sarreeye Gaas Yuusuf Axmed Al-Xuneyti ayaa wadahadalo dhexmaray waxaa la sheegay in diiradda lagu saaray xaaladda amniga gobolka iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ciidan ee u dhexeeya labada dal. Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee dhinacyada difaaca si loo xoojiyo awoodaha ciidamada loona taageero nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Intii uu kulanku socday, Wasiir Fiqi ayaa loo soo bandhigay sida la tilmaamay warbixin ku saabsan qaab-dhismeedka iyo awoodaha Ciidamada Qalabka Sida ee Urdun, iyo fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga ku aaddan tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo is-weydaarsiga khibradaha ciidan.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Urdun taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo sidoo kale faahfaahin ka bixiyay xaaladda amniga ee Geeska Afrika, khatarta ay kooxaha argagixisadu ku hayaan gobolka, iyo guulaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka gaareen sida bayaanka lagu xusay howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.
HBN ONLINE TV

