Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gabbal-dhigii Cawa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabadda tacsi ee loo sameeyay geerida Amiirkii hore ee Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al Thaani.
Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Xamad ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka Qatar, Sheekh Maxamed Bin Cabdullaahi Bin Maxamed Al Thaani, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar, Maxamed Axmed Sheekh Cali, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Qatar.
Safarka ayaa ujeeddadiisu tahay inuu dowladda iyo shacabka Qatar la wadaago tacsida geerida Sheekh Xamad oo door muuqda ka soo qaatay hoggaaminta iyo horumarka Qatar.
Booqashada ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah, isla markaana calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hoos loo dhigay, si loogu muujiyo tacsida geerida hoggaamiyihii hore ee Qatar.
Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Doha kulan gaar ah la yeelan doona Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani, si uu ugu gudbiyo tacsida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Socdaalka ayaa loo fasiray dhan kale, iyada oo Ilo wareedyada ay tilmaamayaaan in Madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doono qaar ka mid ah madaxda caalamka ee ku sugan Doha, iyadoo la filayo inay halkaasi ka dhacaan kulamo diblomaasiyadeed oo dhinacyo badan taabanaya
Hadda, waxaa dalkaasi ku sugan madaxda Turkiga, Pakistan iyo Masar oo si weyn Soomaali xulafo ula ah, ayna Muqdisho doonayso inay kala hadasho marxaladda siyaasadeed ee gobolka geeska Afrika marxaladaan wajahayo.
HBN ONLINE TV

