Faahfaahin ka soo baxaysa duqeyn diyaaradaha Kenya ka gaysteen Gedo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn xagga cirka ah oo diyaaradaha Kenya ka geysteen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Dad goog joogayaal ah oo la hadlay HBN ayaa xaqiijiyay in duqeyntan ay ku dhinteen laba ilmood oo walaalo ah oo kala ah Aamina Cabdirisaaq Xuseen oo 8 sano jir ah & Maxamed Cabdirisaaq Xuseen oo 6 sano jir ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay lix qof oo ay ka mid yihiin hooyada dhashay ilmaha dhintay iyo laba caruur ah oo kale oo ay dhashay.

Duqeynta ayaa sidoo kale waxaa ku le’day xoolo aad badan oo isugu jira ari iyo lo’ waxaa kale oo ku burburay guryo iyo hanta aan la qiyaasin illaa iyo hadda.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha deegaanka ayaa sheegay in duqeyntu ay ahayd mid aan si bareer ah loola beegsaday guryo dad shacab ah ay deggan yihiin, waxayna ugu baaqeen dawlada Soomaaliya inay si deg deg ah wax uga qabato duqeymahan soo laalaabtay ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah, isla markaana loo helo caddaalad dadka rayidka ah ee dhibaatadu ay soo gaartay.

Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doortay gobolka Gedo ayaa farriin uu soo barta X ee horey loogu yiqiin Twitter wuxuu kaga dalbaday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya inay baaritaan ku sameyso duqeymaha ciidamada cirka ee Kenya u geysanayaan shacabka aan waxba galabsan ee ku nool Ceel Cadde.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Kenya oo ciidankeeda lagu eedeyanayo inay dad shacab ah ku xasuuqday Ceel Cadde, sidoo kale ma jiro war ka soo baxay dhanka Dawlada Soomaaliya.

Warqabadka HBN TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed