Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo lagu beegsaday saldhigyo badan oo Al-shabaab ay ku lahaayeen xadka ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe. Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay diyaaradaha dagaalka ayaa sameeyay duqeymo culus, iyagoo ku garaacay ugu yaraan lix saldhig oo maleeshiyaatka dowlada ay ku leeyihiin deegaankaasi. Khasaaro xooggan ayaa lagu soo waramayaa inuu soo gaaray dagaalyahannada kooxda Al shabaab, sida ay ku warrameen ilo dhanka ammaanka ah.
Ilo wareedyo ku dhow dhow ciidamada ammaanka ayaa inoo xaqiijiyay sida ay u dhacday duqeyntaasi, iyagoo xusay in khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab. Intaa waxaa dheer, weerarradan ayaa sababay burbur xooggan oo soo gaaray kaabayaasha kooxda, taasoo si weyn u wiiqday awooddooda saameeyn ee gobolk muddooyinkii la soo dhaafay.
Dhaqdhaqaaqa militari ayaa imaanaya kadib todobaadyo la kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ciidamada Soomaalida iyo kuwa deegaanka oo taageero ka helaya duqeymo dhanka cirka ah oo ka imaanayay saaxiibada Soomaalida ayaa si dhow uga wada shaqeynayay howlgallada.
HBN NEWS DESK