Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay saldhig ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.
Ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in Miino lagu aasay Albaabka Saldhigga ATMIS-ta ee ka howlgala gudaha degmada Qoryooley, waxaana ku dhintay labo askari, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka. Qoryooley waxay qiyaastii 120 kiiloomitir waqooyi-galbeed kaga beegan tahay Muqdisho.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Taliyihii Saldhiga Degmada Cabdi Waal iyo C/kariin Cadow oo horay u soo noqday Taliyaha Nabadsugida iyo Askari, waxaana qaarkood la sheegay in xaaladooda ay aad u liidato.
Ammaanka xerada Midowga Afrika ayaa si weyn loo adkeeyay,mana jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo ku soo beegmaya xilli laamaha ammaanka ay horay u sheegeen in bisha Ramadaan la adkeyo ammaanka.
Ciidamada Uganda ee UPDF iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku haya magaalada tan iyo sanadkii 2014-kii kadib markii ay ka xoreeyeen Al-Shabaab weeraro ay ku qaadeen gobolka.
HBN NEWS DESK