Faah faahino ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo ka dhacay meel ku dhawa xadka kenya

Musiibo ka dhacday magaalada  Ceelwaaq ee ku taal xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ku dhintay 5 qof oo mid ka mid ah uu ahaa dadka deegaanka iyo afar kale oo aan deegaanka ahayn. Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Ceelwaaq, gaar ahaan agagaarka xerada ciidamada maamulka.

Weerarkan oo looga shakisan yahay in uu ahaa mid argagixisanimo, ayaa la soo wariyay inu ahay mid culus, waxaana ka dhashay dhaawacyo badan oo halis ah iyadoo walxaha qarxa lagu qarxiyay Xarunta Ganacsiga ee Magaalada.

Saraakiisha amaanka ayaa markiiba bilaabay baaritaano waxayna bilaabeen dadaalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay falkaan. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in israsaaseyn xooggan ay dhexmartay ciidamada booliska ee ku sugan deegaanka iyo rag lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Goobaha ganacsiga oo ay ku jiraan bangiyada ayaa ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah loo xiray howlahooda shaqo, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay, waxaana maamulka uu ku dadaalay sidii goobtaasi loo sugi lahaa, loogana soo uruurin lahaa cadeymo muhiim ah.

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in shan qof ay ku dhinteen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed