Ugu yaraan 50 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay 20 kalena waa la qabtay, howlgallada maalintii afaraad oo xiriir ah ay ciidamada xoogga dalka ka wadaan gobolka Jubbada Hoose, ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala oo faah faahin kooban ka bixiyay howlgallada socday maalmihii la soo dhaafay.
Wasiir ku xigeenka ma uusan soo hadal qaadin khasaaraha dhankooda soo gaaray balse waxa uu carabka ku dhuftay in deegaano badan laga sifeeyay Maleeshiyada abaabulan oo ka tirsanaa dagaalyahannada kooxda Al shabaab. Sawiro iyo muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta ciidamada ayaa muujinaya howlgallo ka socda dhulka howdka ah ee gobolka Jubada Hoose iyo Bakool.
Waxa uu xusay in howlgallada ciidamada ay sii socon doonaan inta Al-Shabaab laga saarayo deegaanada maamulka Jubbaland, sida uu sheegay Wasiir Cadaala.
Bishii December ee sanadkii hore ayay aheyd markii wasaaradda gaashaandhigga dalka ay sheegtay in ugu yaraan 130 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalo ciidan oo isku mar ka dhacay gobolka Mudug iyo sidoo kale maamulka koofurta ee Jubaland.
HBN NEWS DESK