Faah Faahino ka Soo Baxay dagaal Ka Dhacay Shabeelada Dhexe.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al Shabaab ayaa dagaal xooggan ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxana ka dhashay khasaaro labada dhinac ah.

Wararka aan helnay ayaa ku warramaya in Saakay kooxda Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku lee yihiin degmada Nuur-Nirgood ee gobolka Shabeelada dhexe, waxana la isku adeegsaday hub culus dagaalka oo muddo socday.

Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, Al Shabaab ayaa Baraha Internet-ka ku shaacisay in gubeen dhowr gaari oo ay lahaayeen Ciidanka dowladda, sidoo kalana ay khasaaro gaarsiiyeen Ciidankii ay weerar ku qaadeen.

Dhanka dowladda wax war ah kama soo saarin dagaalkaan, Maalin kahor ayey aheyd markii Dagaal lagu dhammaaday uu ka dhacay deegaanka Daaru-Nimco oo hoosta degmada Nuur-Rigood ah goobta maanta lagu dagaalamay.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed