Faah faahino dheeraad ah oo laga helay ganacsade caan ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay dhacdo naxdin leh aoo  ka dhacday Suuqa Seybiyaano ee magaalada Muqdisho, taasi oo sababtay inuu ku geeriyoodo ganacsade caan ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Cabdiraxmaan oo Biriq loo yaqaanay. Faah faahin ka soo baxaysa goobta uu dilku ka dhacay ayaa iftiimiyay muran soo kala dhex galay marxuumka iyo haweeney ganacsato ah oo ay deris ahaayeen, waxaana ugu dambeyn halkaasi ka dhacay dagaal khasaare geystay.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah xiisada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii gabar iyo walaalkeed oo isku meherad ah ay isku dhaceen Biriq. Iska horimaadku wuxuu isku bedelay gacan ka hadal, taasoo keentay in Biriq si xun loo tooriyeeyo, dhowr jeerna la weeraray.

Ehelada marxuumka ganacsadaha ah ayaa tiiraanyo iyo murugo ka muujiyay geeridiisa. Waxa ay wacad ku mareen in aan la aasi doonin meydka Biriq ilaa cadaalada la horkeeno dilkiisa. Eedeysanayaasha ku lug lahaa rabshadaha ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliska, iyadoo qoysku ay sugayaan cadaaladda.

Dhacdooyinka dilal arxan darrada ah ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho mudooyinkii la soo dhaafay, kuwaas oo ay aad u hadal hayeen dadka shacabka ah. Kiisaskaas waxaa ka mid ah Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu eedeeyay in uu gubay xaaskiisa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed