Faah-faahino Dheeraad ah Khasaraaha Dagaal Dhexmaray Dolwadda iyo Al-shabaab.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dagaal xooggan oo dhex maray Ciidanka dowladda  Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab kaas geeystay khasaaro badan oo labada dhinac ah.

Al-shabaab ahaa weerar ku bilaawday qaraxyo ku qaaday Saldhig Ciidanka dolwadda ah kula haayeen deegaanka Daarul-nimca  ee hoos yimaada gobolka Shabeelada dhexe, waxana laga soo warrinayaa kn dhimasho iyo dhaawac Farabadan uu ka dhashay dagaalka.

Weerarka kadib waxaa xigay dagaal toos ahaa oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dhinac ahaa iyo Al-Shabaab, kaas oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in 37 ruux ay ka dileen Al-shaaab, halka dhaawacuna uu ka sii badan yahay, Sidoo kale dolwaddu hub iyo gaadiid dagaal in ay gacanta ku dhigeen ayey xustay.

Dhankale Kooxda Al-shabaab waxaa sheegeen in 20 dagaal yahan oo Ciidanka dolwadda ah ay ku dileen dagaal.

Si kastaba, goobihii lagu dagaalamay ayaa daggan, waxana gacanta ku haya Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka gobolka.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed