Faah faahinno ka soo baxaya weerar Al-shabaab xalay ku qaadeen Deg. Deyniile

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xalay xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxana ka dhashay khasaaro isku jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii weerar xooggan Al-shabaab ay ku qaadeen mid kamid ah  Saldhigyadda degmada Deyniile oo ay ku sugnaayeen Ciidanka dowladda, waxana halkaas ka dhacau dagaal muddo socday, oo laga maqlay deegaannada ku xeeran Degmadaas.

Weerarkaas waxaa ku dhintay ku dhawaad 4 Askari oo ku sugnaa goob lagu baaro gaadiidka, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen,  waxana goobta ka fakaday xubnihii soo qaaday weerarka ee ka tirsanaa Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahaas ah wateen gaari daboolan oo aanan wax shaki ah laga qabin, kadibna ay weerar ku bilaawday rasaas ay ku fureen goobtii ay ku sugnaayeen ciimada dowladda,  weerakaan ayaa ahay mid qorsheysan.

Weerarkaan ayaa imanaya iyada muddooyinkii dambe ay yaraadeen weeraradii Al-shabaab ka fulim jireem gobolka Banaadir iyo deegaannada ku xeeran, kadib markii culus xooggan ay kala kulmeen  howgallada ciidanka dowladda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed