Faah faahin laga helay wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Ingiriiska

Waxaa socda baaritaan dil ah oo ka dhashay dil nin Soomaali ah loogu geystay magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Sacad Cali ayaa la sheegay in ay dileen kooxo hubeysan oo Mindiyo watay, iyagoo si ula kac ah ugu dhuftay marxuumka dhowr jeer mindi taasoo keentay in uu dhinto.

Booliiska Yorkshire ee dalka Ingiriiska ayaa cambaareeyay dhacdadan foosha xun waxayna ballan qaadeen inay xoojin doonaan baaritaannada ayna soo qaban doonaan kuwii ka dambeeyay kiiska dilka ah ee ka dhacay Sheffield United.

Qoyska marxuumka ayaa ku baaqay in cadaalada la horkeeno wiilkooda oo 24 jir ah oo ay dileen kooxo hubaysan oo aan la aqoonsan.

Booliska ayaa bulshada u xaqiijiyay in saraakiisha iyo shaqaalaha ay si hufan uga shaqeyn doonaan sidii cadaalada loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay dilka.

Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa marar badan lagu dilay magaalooyinka dalka Britain, waxaana dilalkan qaarkood geysta kooxo aan la aqoonsan iyo sababta ka dambeysa.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed