Faah faahin ka soo baxaysa iska-horimaad dhaliyay khasaaro oo xalay ka dhacay magaalada Garowe

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay iska horimaad xalay saqdii dhexe ciidamada booliska iyo kooxo hubeysan ku dhexmaray saldhiga magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal Maxamuud Bile Fardafuul ayaa ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin colaadaasi rag hubeysan oo uu horkacayay Ciidamadii hore ee Kumaandooska Danab Korneyl Jimcaale Takar.

Sida uu Taliyaha sheegay iska horimaadka ayaa yimid kadib markii kooxihii hubeysnaa ay nin rayid ah keeneen Saldhiga, kadibna ay jir dileen, kuwaas oo ku doodeen in qofka rayidka ah ee gaariga watay uu ku dhacay gaarigii ay wateen.

Fardafuul, ayaa ku nuux-nuux saday in uu cirka isku sii shareeray khilaaf soo kala dhex galay ciidamada Booliska iyo kooxaha hubeysan oo ku saabsan qofka rayidka ah, taasi oo keentay in dableyda ay rasaas ku furaan askartii ku sugneyd Saldhiga, waxan halkaas ka dhacay isku horimaad muddo socday, rasaasta ayaa laga maqlay deegaanka.

Taliye ku xigeenka qeybta Booliska Nugaal ayaa balan qaaday in sharciga la horgeyn doono dableydii falkaas geysatay.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa kusoo badanaya falalka dhaca ah, iyada oo kooxaha dilalka geysta ay xilliyada habeenkii ah ku kacaan  ​​falal isugu jira dil iyo dhac.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed