Erdogan oo god ku riday rajadii Sweden ee ka mid noqoshada NATO

Madaxweynaha Turkiga Rejeb Dayib Erdogan ayaa god dheer ku riday rajadii Sweden ee ku aadanayd ka mid noqashada gaashaanbuurta NATO ka dib markii uu sheegay in dalkiisu aanu ogolaan doonin codsiga Sweden oo lagu waday in lagu meelmariyo shirka NATO ay yeelanayso toddobaadka soo socda.

“Sidee Turkigu u aamini karaa waddan ay argagixisadu si duur-joog ah u dhex yaacayaan? Sidee qaran ku guul daraystay in uu iska fogeeyo argagixisada wax ugu biirin karaa NATO?, ayuu yiri Erdogaan oo ka hadlayay xaflad qalin jabin ah oo militari oo ka dhacday Istanbul maalin kadib markii ay magaalada Brussels ku kulmeen wasiirada arrimaha dibadda ee Turkiga, Sweden, Finland iyo xoghayaha guud ee NATO.

Erdogan ayaa mar kale yiri “Sidee umad aan la dagaalami karin argagixisada ula dagaalami kartaa cadawga isbahaysiga?”.

NATO and Western allies have been pressuring Ankara to ratify Stockholm’s bid before the summit in Vilnius this Tuesday, but Erdoğan has been resolute and recent anti-Türkiye and anti-Islam demonstrations in Sweden have further drawn his ire.

NATO iyo xulafada reer galbeedka ayaa Ankara ku cadaadinayey inay ansixiso dalabka Stockholm ka hor shirwaynaha xulufadu ku yeelanayso magaalada Vilnius Talaadadan, laakiin Erdoğan ayaa u muuqda in go’aankan uu u qaatay, ka dib markii Sweden ay ka dhaceen mudaharaadyadii dhanka ahaa Turkiga iyo ficilada xadgudubka ku ah Islaamka kuwaasi oo xaalada uga sii daray.

Finland iyo Sweden ayaa codsaday xubinimada NATO wax yar ka dib markii Ruushku bilaabay dagaal ka dhan ah Ukraine bishii Febraayo 2022.

In kasta oo Turkiga uu ogolaaday xubinnimada Finland, haddana waxa ay Sweden sugaysaa inay u hoggaansanto heshiis saddex geesood ah oo bishii June ee la soo dhaafay lagu saxeexay magaalada Madrid si wax looga qabto welwelka ammaanka ee Ankara ee ku saabsan xagjirka iyo kooxaha argagixisada sida PKK iyo Gülenist Terror Group (FETÖ).

Warqabadka HBN Online

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed