Ehelada dadkoodu ay ku duugan yihiin qabuuro ku yaal Muqdisho oo bilaabay in ay meydadka ka saaraan xabaalaha

Qaar kamid ah dadka reer Muqdisho ayaa  bilaabay inay meydad ka soo saaraan qabuuraha Iskool Buluusiya ee degmada Xamar Jajab, iyagoo ka jawaabaya amaro ay dowladdu soo saartay oo ahaa in goobta laga nadiifiyo, sida ay hadalka u dhigeen. Balse ilaa hadda lama arag war rasmi ah dowladda ka soo baxay oo ku aaddan arrintaas, marka laga reebo dadkaan hadalkooda.

Dadka la soo saaray waxaa ka mid ah majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo geeriyooday bishii Sebtembar 2021. Qoyskiisa ayaa meydkiisa u raray meel ammaan ah sida ay sheegeen.

Ka qeyb galayaasha qodista xabaalaha ayaa sheegay in dowladdu aysan wax sabab ah u keenin amarka lagu banneynayo xabaalaha oo ay ku jiraan dad badan oo caan ah oo uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cumar Yariisow oo ahaa duqii hore ee Muqdisho oo bishii July 2019 lala dilay lix sarkaal oo ka tirsan dowladda.

Si kastaba, dowladda ilaa hadda arrintaan kama aysan hadlin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed