Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday xadka ay wadaagaan gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Howlgalkaan oo ay fuliyeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah iyo saaxiibo caalami ah ayaa lagu beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Jir Jir Fareey iyo Buurka Fiiqey oo dhanka Waqooyi kaga beegan deegaanka Ruunirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dowladda ayaa xaqiijisay in duqeyntaasi uu ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka.
Wararka rasmiga ah ayaa sheegaya in howlgalladan oo si gaar ah diiradda lagu saaray deegaannada Jir Jir Fareey iyo Buurka Fiiqey ay ku guuleysteen in ay ka takhalusaan tiro badan oo maleeshiyaatka Murtadiinta ah iyo qalabkii ay wateen.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa caalamiga ah ayaa inta badan fuliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab, taasi oo hoos u dhac weyn ku keentay tirada hogaamiyahooda iyo dagaalyahanadooda.
HBN NEWS DESK