Duqeymo dhaliyya khasaaro xooggan oo lala eegtay horjoogayal iyo xubno ka tirsan Al shabaab gobolka Shabeelada Hoose

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibo caalami ah ayaa 30 ka tirsan Al-Shabaab ku dilay weerar cusub oo  ka dhacay deegaanka Jilib-Mara ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidoo kale waxaa la burburiyay farsiimo ay kooxdu ku leedahay bartilaameedka.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ciidamada ay beegsadeen goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka Al shabaab oo ay ku jireen horjoogayaal iyo xubno kale, howlgalkaan ayaa dhacay  kadib markii ay heleen xog ku aadan joogitaanka deegaankaasi. Ma jiro faah faahino dheeraad ah oo laga bixiyay magacayada xubnaha lagu dilay weerarkaan qorsheysnaa.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibo caalami ah ay dhowr xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dileen deegaanka Buula Warbo oo hoostaga degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay isku uruursadeen kooxihii weerarka lagu qaaday.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa deegaanka oo gacan ka helaya ayaa laba jibaaray weerarada ka dhanka ah Al sahbaab maalmihii la soo dhaafay, kuwaas oo ka dhacay gobolada Galgaduud, Mudug, Hiiraan, Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose, Jubada Hoose, iyo deegaano ku yaal koofur Galbeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed