Duqeymo cirka ah oo lagu dilay laguna dhaawacay xubno ka tirsan Al shabaa kaasoo ka dhacay gobolka Mudug

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn diyaaradeed oo maanta ka dhacday qeybo ka mid ah koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, kaasi oo lagu beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaan qiyaastii 40 KM u jira degmada Xarardheere oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo dib isu soo abaabulayay sida wararku sheegayaan.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana la sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in howlgallada cirka ah lagu fashiliyay weerar qorsheysan oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku qaadi rabeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Saraakiisha amaanka ee howlgalkan hogaaminayay ayaa sidoo kale sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab tiro ka mid ahna ay dhaawaceen.

Ciidamada dowladda Federaalka ee howlgalladan fuliyay ayaa sidoo kale tilmaamay in saldhigyo iyo gaadiid ay lahaayeen Al-Shabaab lagu burburiyay duqeymaha cirka ah ee lala beegsaday fariisimaha kooxda.

Xaaladda ayaa hadda ah mid aad u kacsan, iyadoo Al-shabaabna aysan weli wax jawaab ah ka bixin howlgallada ay sameeyeen ciidamada dowladda.

HBN NEWS DESK

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed