Dowladda Soomaaliyaku dhawaaqday dilka 30 ka tirsan Al shabaab isla markaana gacanta lagu dhigay 10 kale weerar ka dhacay gobolka Jubada Hoose

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Jubbaland waxa ay ku dileen 30 ka tirsan  Al-Shabaab magaalada  Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose iyo hareeraha webiga, oo ay ku sugnaayeen xubnaha lagu fuliyay weerarka qorsheysan kaddib markii la helay xogo sirdoon.

Sidoo kale waxaa howlgalka lagu soo qabtay 10 ka tirsan maleeshiyaadka Al shabaab ee ka howlgalayay agagaarka deegaanka Baar Sanguuni, kuwaas oo lagu soo bandhigay barta X ee horay loo oran jiray Twiter.

Saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al shabaab ee ay ka wadaan gobolka Jubada Hoose ee koofurta Soomaaliya, isla markaana ay doonayaan in ay ka xooreyaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Dhanka kale Al shabaab ayaa iyaguna sheegtay in ay guulo ka gaareen dagaalkii cuslaa ee ka dhacay gobolka Jubada Hoose.

Mudooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Shisheeye iyo dagaalyahannada deegaanka ay kordhiyay weerarada ka dhanka ah Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed