Dowladda Soomaaliya: Waxan dilnay 25 dagaal yahan oo ka tirsan Al shabaab

Dowladdu Soomaaliya ayaa sheegtay in Howlgal qorsheysan oo ay ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibbada Caalamiga ah ka fuliyeen Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay 25 dagaal yahan oo ka tirsan Al shabaab, oo uu ku jiro hoggaamiye lagu magacaabo Ibraahim Dheere oo katirsanaa qaybta gaadiidka sida ay shaaciyeen ilo ka tirsan hay’adaha Amniga.

Hawlgalkan Qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burte ayaa 8-dii bishan lala beegsaday duqayn Garaash wayn oo Al shabaab  dhigan jirtay gaadiidka dagaalka, gaadiidka ay ku qaataan malleeshiyaadka,kuwa ay ku adeegtaan iyo baabuur ay u isticmaalaan qarxyada, sida ay shaacisay dowladdu.

Ciidanka dolwadda ayaa halkaas ku burburiyey afar Gaari oo Al shabaab  ku rakibeen Qaraxyo, waxaa kaloo howlgalkaasi lagu burburiyay 16 gaari oo isugu jiray gaadiidka la saaro qoryaha waaweyn sida suugga, Cabdi bilaha (Land Cruiser Pickup) iyo gawaarida loo yaqaano hoomayga (Homy Bus).

Sargaalka ka tirsan hay’adaha Amaanka aya sheegay in xarunta ay ciidanku howlgalka ka fuliyeen ay ahayd halka ay isugu yimaadaan gaadiidka gaarka ah iyo midka dagaalka oo ay adeegsadaan kooxda Al shabaab goballada Hiiraan,Galgaduud, iyo Shabeellaha dhexe.

Muddooyinkii dambe ciidamada dolwadda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa fulinayay howgallo culus oo ka dhanka ah Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed