Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay ajaaniibta soo gala dalka

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in wax ka bedel lagu sameeyey sharciga dalka ku galka Soomaaliya, kaasi oo qaban doona cid walba oo doooneysa in ay timaado.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in qaabka hadda ka dib lagu imaan doono uu yahay mid ku qotoma sifo sharci ah, ka dib markii ay bateen sida uu hadalka dadka Ajaaniibta ah ee si sharci darada ah uga soo gala gobolada qaar ee dalka.

Fiqi ayaa carrabka ku dhuftay, in si taasi looga hortago ay dowladda Soomaaliya sameysay wax ka bedel qaabka dalbadasha Fiisaha (visa) oo dhib badan laga mari jiray, balse hadda la fududeey.

“Ajaaniibtu gobolada qaar sharci darro ayey ku soo gelijireen laakiin hadda shaqo ayaan ka qabanay”. ayuu yiri Wasiir Axmed Fiqi.

Hadal wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli ay dowladda Soomaaliya ay sheegtay in dalka ay ku sugan yihiin dad Ajaaniib ah oo sifada dal ku galkooda uu yahay mid aanay sharci aheyn.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed