Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay xarig dhawaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya loogu geystay labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dawladdu waxay muujisay sida ay uga xun tahay dhacdadaas, waxayna si adag u beenisay inay wax lug ah ku leedahay afduubka lagu eedeeyay, ka dib markii ay sheegeen xildhibaanada in falkan ay ka dambeysay xukuumadda Soomaaliya, sida ay hadalka u u dhigeen.
Labadan Xildhibaan oo lagu kala magacaabo Xasan Cabdi Nuur iyo Axmed Cabdi Kooshin ayaa la sheegay inay xireen hey’adaha ammaanka dalka Kenya, taasoo dhalisay muran iyo eedeymo lag soo jeediyay baraha bulshada. War-saxaafadeed ay baahisay warbaahinta dowladda, ayay dowladda Soomaaliya ku cadeysay mowqifkeeda ku aaddan arrintan.
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysa eedeynta ay u jeediyeen Xildhibaanada la xiray, ayaa si aan gabasho lahayn isaga fogeysay inay wax xiriir ah la leedahay dhacdadaasi.
Xariga ay Hay’adda Sirdoonka Kenya kula kacday Xildhibaanada kala ah Xasan Cabdi Nuur iyo Axmed Cabdi Kooshin, ayaa dareen weyn dhaliyay, iyadoo Xildhibaanada ay ku eedeeyeen in Dowladda Somaliya ay ku lug leedahay xarigooda. Sheegashadan ayaa waxa ay ku sheegeen hadallo kooban oo ay ku baahiyeen barahooda bulshada, taasoo keentay in dowladda Soomaaliya ay soo saarto warkaaan lagu beeninayo ku lug lahaanshaha dhacdadaas.
HBN NEWS DESK