Safaaradda dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa sheegtay inay qareen u qabaneyso isla markaana ay goobjoog ka noqoneyso dhageesiga horgeynta Maxkamadeed ee muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaraya 35 muwaadin kuna sugan saldhiga Yellow gate ee Magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, kuwaas loo heysto in ay yihiin burcad badeed, isla markaana gacanta ay dhigeen toddobaadkii hore ciidamada badda Hindiya.
Maxkamadda ayaa maanta waxaa ka furmaya kiiska Muwaadiniintaan iyadoo safaaradda Soomaaliya ay ka dhawaajisay in Maxkamadda horteeda uu uga doodi doono qareenka muwaadiniintan Soomaaliyeed ee lala-xariirinayo fal Burcad-badeednimo.
Raggaan ayaa Waxaa lagu soo qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada badda Hindiya todobaadkii hore, kaddib markii laga soo furtay markab watay calanka dalka Maalta ii ay hesyteen taniyo bishoo Dec ee dhammaadka sanadkii hore 2023.
Si kastaba, Eedeysayaasha Soomaalid ah ayaa wajihi kara xukun dil ah ama xabsi daa’in sida uu qabo sharciga Hindiya ee la dagaalanka burcad badeeda.
HBN NEWS DESK