Dowladda Soomaaliya oo Soo daad gureysay Muwadiniinta ugu horreysay ee dalka Suudaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daadgureeyay dalka Suudaan maanta ka soo dajisay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxan soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo arrintaan wadday taniyo markii uu bilaawday dagaalka Suudaan.

Muwaadiniinta maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo tiradoodu gaareyso 18 qof ayaa laga soo daadgureeyay Xadka Sudaan uu la leeyahay dalka Koofurta Suudaan gaar ahaan Magaalada Buluja.

Ku simaha xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb, Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo Garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ku dhawaad 500 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa la filayaa in isla maanta iyo maalmaha soo aadan in ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaas oo dowladda Soomaaliya kasoo daadgureeyneyso dalka Suudaan oo ay ka dhaqan gashay xabbad joojin aan caga adag ku taagneyn.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed