Dowladda Soomaaliya oo shaacisay dilka ku dhawaad 50 ka tirsan Al shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyaga oo kaashanaya  saaxiibada Caalamiga ah ay dileen ku dhawaad 50 dagaal yahan oo ka tirsan  Al shabaab oo ay ku jiraan hoggaamiyaal sar sare, howlgalkaan ayaa dhacay 5 bishaan, kaas oo ahay mid qorsheysan.

Dowladda ayaa tilmaantay in howlgalkaan ay fuliyeen deegaanka Qoob Yaxaas oo qiyaastii 80 km kaga beegan dhinac galbeed degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan, weerarkaas waxaa ku dhintay  45 xubnin oo ay ku jiraan hoggaamiyaal, halka sidoo kalana  ay jiraan dhaawacyo, waxayna burburiyeen fariisimo deegaankaas Al shabaab ay ku lahayeen.

Dhankalae Dhaawacyada ayey dowladdu ku sheegtay in ka  badan 110 ka mid ah Al shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan hoggaamiyaal  ku dhaawacmay howlgallada ka socda gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo jiifay ilaa 30 teendho oo si KMG ah loogu dabiibayay, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ay soo saaray dowladdu

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor Dhuusamareeb u gaaray dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, iyo abaabulka bulshada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed