Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday howlgal cusub oo milateri oo lagu bedelayo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo bixi doona dhamaadka sanadkan. La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa shaaca ka qaaday in 12,000 oo askari oo ka kala socda dalal kala duwan oo Afrikaan ah ay si KMG ah ula wareegi doonaan mas’uuliyadda ATMIS.
Xuseen Sheekh Cali ayaa intaa ku daray in 10,000 oo askari ay fulin doonaan mas’uuliyadda koowaad ee ATMIS, halka 2,000 ee soo hartayna ay qaban doonaan howlo dheeri ah.
Ku dhawaaqistaan ayaa walaac ku abuurtay wadamo badan oo Afrikaan ah, kuwaasi oo ka cabsi qaba in Al-Shabaab ay la wareegaan gacan ku heynta dalka, sida ay sheegeen qaar kamid ah madaxda dalalkaas. Howlgalkan cusub oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Afrikaan ah ayaa ujeedkiisu yahay sidii looga hortagi lahaa natiijadan ku aaddan cabsida ah in Soomaaliya ay lumiso deegaanno istaraatiiji ah.
Xuseen ayaa sheegay in faahfaahinta dalalka ay ciidamada u soo dirayaan Soomaaliya iyo waqtiga rasmiga ah ay go’aan ka gaari doonaan madaxda Soomaaliya, waxaase la hubaa in aysan qeyb ka noqon doonin ciidamada Itoobiya, oo Soomaaliya ay horay u sheegtay in gabi ahaanba ay dalka ka bixi doonaan markii uu dhammaado howlgalka ATMIS 2024.
HBN NEWS DESK