Dowladda Soomaaliya oo qabaa’ilada ugu baaqday joojinta dagaallada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo maanta dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha si dib u dhis loogu sameeyo, ayaa faah faahiyay ujeedka dib u dhiska xarumaha Dowladda iyo arimaha dagaalada qabaa’ilada ee dalka ku sii fidaya.

Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in Wasaarad iyo Hay’ad waliba oo Dowladda ah ku shaqeyso xarunteeda si Bulshadu u helaan adeegyo huban.

Sida oo kale Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha Maleeshiyaadkooda ku dagaalamayaan qaar ka mid ah Gobollada Dalka, waxa uu xusay in aanay faa’iido adduun iyo mid aakhiro toona laga gaareyn daadinta dhiigga Dadka walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Hay’adaha & Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka faray in ay kala dhex galaan beelaha colaadda ka dhex jirto isla markaana loo sameeyo dib u heshiisiin si loo badbaadiyo Dadka haatan ka nabadqaba dagaallada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed