DFS oo si adag uga hortimid tilaabadii Somaliland waraaqaha safiir uga gudoontay danjiraha Israa’iil 

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si adag u cambaareysay tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee Israa’iil ka waddo magaalada Hargeysa, gaar ahaan magacaabista safiir iyo qorshaha dhismaha xarun safaarad oo Somaliland ay ku yeellan doonto.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka hor timid xiriirka labada dhinac ayaa sheegtay in tallaabooyinka socda ee Somaliland iyo Israa’iil ay xadgudub ku yihiin madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, aysane jirin oggolaanshaha laga heysto dowladda dhexe.

War-saxaafadeedka DFS  ayaa lagu yiri “Hargeysa iyo gobolka Waqooyi galbeed waxay weli yihiin qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Aasaasidda xiriir diblomaasiyadeed iyo furitaanka xarumo diblomaasiyadeed oo joogto ah waxay u baahan yihiin oggolaanshaha Dowladda leh madaxbannaanida dalka, sida uu dhigaayo heshiiska Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed”.

Waxay sidoo kale Israa’iil ugu baaqday inay si degdeg ah uga laabato tallaabooyinkaas, iyadoo sheegtay inay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabooyin diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci.

Dhanka kale, Jaamacadda Carabta ayaa si kulul uga hortimid tallaabooyinka Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay faragelin ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Ururka ayaa dalalka xubnaha ka ah iyo beesha caalamka ugu baaqay inay si wadajir ah uga hortagaan tallaabooyinka uu sheegay inay halis gelinayaan xasilloonida gobolka, isla markaana ka hor imaanayaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo heshiisyada caalamiga ah.

Bishii April ee sanadkan ayay Israa’iil Michael Lotem u magacowday safiir u qaabilsan Somaliland, kadib markii ay noqotay meeshii ugu horreysay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsata Somaliland, iyadoo safiirku markii hore noqonayo mid aan si joogto ah Hargeysa u deggenayn.

Xiriirka cusub ayaa qayb ka ah dadaallada Israa’iil ku doonayso inay ku xoojiso saameynteeda diblomaasiyadeed ee Afrika, gaar ahaan meelaha istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, arrintaas oo dhalisay walaac ku saabsan xasilloonida gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed