Dowladda Soomaaliya oo ku gorgortami doonta kursiga aan joogtada aheyn oo ay ku fadhiisatay

Wasiirka Arimaha Dibedda XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa bogaadiyey ku biiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. Waxaa uu guul muhiim ah ku tilmaamay in dalku ka gaaray cilaaqaadkii dibedda ee dunida kala dhexeysay.

Wasiir Fiq oo ka hadlay juhdigii Soomaaliya u bixisay in la helo kursigaan aan joogtada aheyn ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay codsiyo u dirtay dowladihii tartanka kula jiray si ay uga tanaasulaan in booskan aanay kula tartamin Soomaaliya.

Soomaaliya in la fadhiisiyo kursiga guurguura ee golaha loo dhan yahay ee ammaanka ayuu sheegay in uu uu qeyb weyn ka qaadan doono magaca iyo hormarka dalka, maadama Soomaaliya tahay cida hada heysata fursadaasi.

Waxaa uu shaaciyey in ajendayaasha lagu gooyo fadhiga golaha ammaanka ee heer gobolka iyo mid caalam Soomaaliya lagu daneyn doono oo ay faa’iido iyo iskaashi hormareed kaga heli doonta wadamada codsiyada ay ka hesho.

Soomaaliya oo kursigan ay ugu dambeysay 52 sano ka hor ayaa xaqiijisay in labada jiilaal ee soo socda ay ku fadhi doonto kursiga meertada ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed