Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Saaxiibada Caalamiga ah oo dishay ku dhawaaw 10 ka tirsan Al shabaab isla markaana dhaawacday 10 kale

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay fulisay howlgallo culus oo lagu dilay maleeshidaad ka tirsan Al shabaab, isla markaana lagu burburiyay gaadiid kala duwan oo ay wateen kooxda xilli la fulinayay weerarkaan oo lagu sheegay mid qorsheysan.

9 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab ayaa dilay ,halka 10 kalena  lagu dhaawacay howlgalaldaan oo ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay  ka fuliyeen deegaannoo ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Sh/Dhexe. Inta uu howlgalka socday, ayaa waxaa lagu burburiyay labo gaari oo kala duwan, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Howlgalka 1-aad ayaa lagu dilay 4 dagaalyahan kuwaas oo lagu beegsaday gaari nuuca dagaalka ah iyo Booyad nuuca biyaha qaado ah, kaasoo ka dhacay deegaanka Cali Heelle oo ah deegaan howd ah oo ku yaal inta u dhaxeysa Shabeelada Dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalka 2-aad ayaa lagu dilay 5 kale oo ka dhacay deegaanka Baraag Seekh Caamir ee gobolka Galgaduud ee barahama Soomaaliya, dhammaan macluumaadkaan waxaa sii deysay warbaahinta dowladda.

Si kastaba, warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ay burburiyeen saanad ciidan oo badan oo ay leedahay kooxda Al shabaaab, isla markaana ay sii wadi doonaan, lana socdaan dhaqdhaqaaqa kooxda.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed