Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay go’aankii Qaramada Midoobay ay cunaqabateynta ugu soo rogay hoggaamiyaal Al shabaab ah

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay isla markaana soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay cunaqabateynta ugu soo rogtay saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-shabaab, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay codsatay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa go’aankan ku bogaadiyay qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter-kii hore), wuxuuna caddeeyay in shaqsiyaadkaasi ay hadda ku jiraan liiska cunaqabateynta ee lagu sheegay Qaraarka. 2713, oo wajahaya xayiraad dhaqaale iyo mid socdaal.

Bayaanka ayaa lagu xusay in dadka la cunaqabateeyey loo diidi doono inay helaan dhaqaale, isla markaana la soo rogi doono xayiraad dhanka socdaalka ah.

Horjoogayashaan ayaa magacooda lagu sheegay:

1. Cabduqaadir Ikrima oo ah muwaadin Soomaaliyeed, waxa uu sidoo kale heystaa baasaboorka Kenya.
2. Maxamed Maxamuud Mire.
3. Maxamed Cumar Maxamed.

Tan iyo sannadkii 2007-dii, Al-shabaab waxay dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, taniyo xilligaas xubno sar sare oo ka tirsanaa kooxda ayaa lagu soo rogay cunnaqabateyn kala duwan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed