Hay’adda Ka Hortagga Masiibooyinka Soomaaliyeed ee ayaa bilowday gurmad baaxad leh iyadoo markab sida shixnad gargaar ah oo laga soo raray Dekadda Muqdisho u dirtay Maamul Goboleedka Puntland iyo Maamulka KMG ah ee SSC ee Khaatumo. Markabkan oo sida shixnad deeqsinimo ah oo dhan 4,000 oo tan ayaa lagu wadaa inuu ku soo xirto Dekadda Boosaaso.
Dadaalkan bini’aadantinimo, ee ay waddo SoDMA, ayaa ujeeddadeedu tahay in gargaar muhiim ah la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada maamulladaas, iyadoo bixinaysa gargaar ay aad ugu baahan yihiin xilliyada adag.
Ahmed A. Aadan oo ah gudoomiye ku xigeenka hay’adda SDMA oo isagu si gaar ah u kormeeray raritaanka shixnadaha gargaarka, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay hey’addu ugu heelan tahay in si hufan loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan. Hindisahani waxa uu ka tarjumayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay taageerada muwaadiniinteeda iyo horumarinta midnimada iyo wadajirka qaranka oo dhan.
Gargaarkaan ayaa ku soo aadayo iyada oo saacado uun ay naga xigto bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markaana dadku ay u baahan yihiin nuucyada kala duwan ee raashinka si ay ugu soo maan.
HBN NEWS DESK