Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku soo dhigay dagaalyahannadii ugu badnaa oo ka tirsanaa Kooxda Al Shabaab, kadib howlgallo culus oo ka dhacay magaalada Baydhaba iyo deegaanada hoos taga.
Saraakiisha NISA ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay soo qabteen 12 xubnood oo la xaqiijiyey inay ka tirsan yihiin Shabaab, kuwaas oo qaabilsanaa dhinacyo kala duwan, sida dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta waxay ugu yeereen “baada ay ka qaadaan shacabka” iyo tuuridda banbooyinka xiliyada habeenkii ah.
Xubnaha lasoo qabtay ayaa iskula howl-geli jiray qeyb-qeyb, waxaana ciidanka u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan dhamaantood, kadib howlgallo is dabajoog ahaa oo maalmahaan ka socday gudaha magaalada Baydhaba iyo deegaanada ku xeeran, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Tallaabadaan ayaa lagu yiri ” waa mid ka dhigan in lagu guuleystay burburinta shabakado halis ku ahaa shacabka oo ka tirsanaa Al shabaab, mana ahan markii ugu horeysay oo sidaan oo kale xididada loogu siibay dhagarqabaasha dhuumaaleysiga ku jooga Baydhaba iyo magaalooyinka kale ee dalka”.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad u soo badanayey xubnaha ka soo goosanaya Al shabaab ee ka soo haray fikirka kooxda Al shaabaab , waxaana dhalinyarada ugu badan ee isa soo dhiibayaasha ah laga diiwaan geliyey deegaanada K/Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.
HBN NEWS DESK