Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa saaxiibo caalami ah oo duqeyn ka fulisay gobolka Shabeellaha Dhexe isla markaana dhulka la sintay guri ay ku shirayeen xubna sare sare

Horumar la taaban karo oo dhanka amniga ah ee Soomaaliya ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya saaxiibo caalami ah waxa ay duqeyn guul leh ka fuliyeen deegaan ku dhow Ruun Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, duqeyntaan ayaa ka dhacay  deegaanno ku dhaw Ruun Nirgood ee gobolka Shabeelada Dhexe, ujeedka ayaa ahaa in ay sii wadaan howlgallada lagu xoreynayo deegaannada dhaca maamulada Hirshabeelle, Galmudug  Shabeelooyinka.

Weerarkan oo dhacay 24-kii April, 2024-ka, ayaa wuxuu ka dhigan yahay tallaabo muhiim u ah dadaallada socda ee lagu burburinayo awoodda howlgallada ee Al-Shabaab, dibna loogala wareegayo deegaannada ay gacanta ku hayaan.

“Diyaarado dagaal ayaa duqeymo culus ka fuliyay Degmada Ruunirgood ee Gobalka Sh/dhaxe, waxaana dhulka lalasimay guri ay ku shirayeen xubna sare sare oo ka tirsan Al shabaab” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo kasoo baxay dowladda.

Duqeymihii ugu dambeeyay ee dhanka cirka ah ayaa ka tarjumaya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ka hortagga khatarta Al-Shabaab iyo xaqiijinta amniga iyo amniga shacabkeeda.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada la doonayo in lagu ciribtiro horjoogeyaasha muhiimka ah ee Al-Shabaab, laguna carqaladeeyo shabakadahooda, taasoo wiiqeysa awoodda kooxda ee weeraro kale, sida ay sheegayaan saraakiisha ammaanka.

Sanadihii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa saaxiibada caalamka ayaa horumaro la taaban karo ka sameysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed