Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u sheegtay mowqifkeeda ku aadan wada hadal ay la gasho Itoobiya, dowladda ayaa ka dalbatay Itoobiya in ay joojiso heshiiskii ay la gashay Soomaaliya ka hor inta aan wax wada hadal ah dhicin.
Warkan ayaa daba socda qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ay ku sheegtay inay ka go’an tahay nabadda gobolka iyo iskaashiga saaxiibada caalamka, gaar ahaan dalalka G7, ayaa horay walaac uga muujiyay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, iyagoo ku booriyay labada dhinac inay u furnaadaan wadahadal.
Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Soomaaliya waa mid aan leexleexad lahayn. Dawladdu waxay ku adkaysanaysaa in aanay wada hadal la yeelan karin Itoobiya ilaa ay Itoobiya ka baxayso heshiiskii ay la gashay Somaliland, taas oo muujinaysa in ay si buuxda u ixtiraamayso midnimada, madaxbannaanida Soomaaliya iyo mabda’a ah in aan la faragelin.
Beesha caalamka, oo ay ku jiraan quwadaha waaweyn ee dhaqaalaha sida Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, United States, iyo Midowga Yurub, ayaa iyaguna arrintan miisaan ku yeeshay. Waxay ku booriyeen Itoobiya iyo Soomaaliya in ay sii wadaan wada-hadallada furan si looga hortago in ay sii xumaadaan xaaladaha gobolka.
HBN NEWS DESK