Dowladda Soomaaliya oo Baawday Qorshe Dib Loogu Soo Celinaayo Hantida Dadweynaha

Dowladda Soomaaliya ayaa tiro koon ku sameyneyso hantica guud ee  dadweynaha  taas oo ku maqan gacanta qeybaha kala duwan ee bulshada, waxana socoto dardargelin xooggan oo dib loogu soo celinaayo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka Soomaaliya sida lagu shaaciyay bayaan soo baxay.

Gudiddan magacaaban ayaa ka kooban siddeed xubnood oo kala ah wasiirka Maaliyadda,wasiirka ganacsiga, wasiirka hawlaha Guud, wasiirka Arrimaha dibedda,Guddoomiyaha gobolka Banaadir,wasiir dowlaha madaxtooyadda,wasiir dowlahha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo garyaqaanka guud ee qaranka.

Hawlaha guddidan loo xilsaaray  noqonaya, tirakoobka hantida dowladd ee maqan, soo celinta hantidda qaranka ee sifaha sharci daradda ah loo haysto iyo sidoo kale ka talo bixinta nidaaminta hantida qaran ee la soo celiyey.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed