Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo dilay xubno ka tirsan Al shabaab howlgal ka dhacay Galgaduud

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Al shabaab, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay tiro kale.

Howlgalka ayaa saaka  xilli hore ka dhacay goob 35km Koofur bari uga beegan magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxana lagu khaarajiyay 5 xubin oo ka tirsan Al shabaab, warbixinta ayaa lagu sheegay in xubnahaas ay qorsheynyeen abaabul ciidan, kadibna ay ka war heleen sirdoonka Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka ee Africom ayaa ka qeyb qaatay howlgalkaan sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, waxaa ay intaas raacisay in ay sii wadi doonaan howlgalladaan Al shabaab looga xorreynayo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud.

Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli dowladdu ay qorsheyneyso in la bilaabo wejiga labaad ee dagaalka guud ee ka dhanka ah dagaalyahannada kooxda ee ku sugan deegaannada Galmudug.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ay fashiliyeen weerar qaraxyo ah oo lagu qaaday saldhigga ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa muddooyinkii dambe sameynayay hwlgallo ka dhan ah kooxda Al shabaab.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed